Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Ciidankeenu Qeyb Kama Aheyn Dagaalka


Somalia / Kenya / Kismayo
Somalia / Kenya / Kismayo
Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa maalintii shalay dawladda Kenya ku tuhmay in ciidamada Kenya ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii toddobaadkii dhowaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee u dhexeeyey maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Haddaba, Afhayeenka ciidanka Kenya Cyrus Oguna oo ay VOA wareysatay ayaa sheegay in ciidanka Kenya uuna lug ku lahayn dagaalka Kismayo, isla markaana uuna dhinacna taageeraynin.

Waxa uu sheegay in ciidanka Keyna ay la mid yihiin kuwa AMISOM.

Dhinaca kale, Afhayeenku waxa uu beeniyey in ciidanka Kenya ay qabteen colonel ka tirsan ciidanka dawladda ee Somalia, kaas oo dhowr maalmood ka hor la sheegay in ciidanka Kenya ay xireen.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.
XS
SM
MD
LG