Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaahira: Xarunta Ikhwaanka oo la Weeraray


Xarunta Xisbiga Ikhwaanul-Muslimiin ee magaalada Qaahira oo ay weerareen koox mudaharaadeysay, ayna bililiqeysteen.
Xarunta Xisbiga Ikhwaanul-Muslimiin ee magaalada Qaahira oo ay weerareen koox mudaharaadeysay, ayna bililiqeysteen.
Mudaharaadayaasha wadanka Masar ayaa weeraray xarunta xisbiga uu Madaxweyne Maxamed Morsi ka soo jeedo ee Ikhwaanul-Muslimiinka, iyagoo bililiqeystay qalabkii xarunta.

Koox mudaharaadayaal ah ayaa la rakayey iyagoo Isniintan maanta ah jajabinaya daaqadaha xarunta oo dab qabadsiinaya dhismaha, islamarkaana biliqeysanaya qalabkii xafiisyada ee xarunta.

Xarunta ayaa shaqaalihii joogay laga saaray ka dib markii goor sii horeysay ay koox mudaharaadaysay ay dhagxaan iyo walaxaha qarxa ku soo weerareen dhismaha. Xubhano ka tirsan xisbiga Ikhwaanul-Muslimiin iyo shaqaale ku sugnaa gudaha xarunta ayaa kooxaha soo weeraray rasaas ugu jawaabay.

Kooxaha u ololeeya mudaharaadka ee dalka Masar, ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen qalalaasaha, ka dib markii Axaddii shalay ay banaanbaxyo ballaaran ka dhaceen guud ahaan dalka Masar kuwaasi oo lagu dalbanayey in Madaxweyne Morsi uu iscasilo.

Boqolaal mudaharaadayaal ah ayaa habeenkii xalay ahaa ku hoyday Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira, iyagoo weli sii wada baaqooda ka dhanka ah waxa ay ugu yereen awood maroorsiga dowladda iyo guuldarada wax ka qabashada hoos-u-dhaca dhaqaalaha.

Banaanbaxyadii Axadda ayaa ahaa kuwii ugu ballaarnaa ee dhaca tan iyo kacdoonkii sanadkii 2011kii, kaasoo awoodda looga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak. Inta badan banaanbaxayadu waxa ay ahaayeen kuwo u socday si nabadgalyo ah, marka laga reebo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Qaariha iyo koofurta dalka Masar oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale.
XS
SM
MD
LG