Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xassan Daahir oo Dowladda loo Gacangeliyay


Wadaadka Saameynta ku lah kooxaha Islamiyiinta Somalia, Sheekh Xassan Dahir Aweys oo maalmahanba ku sugnaa degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa maanta loo duuliyay magaalada Muqdisho.

Isagoo lagu wareejiyay saraakiisha Amaanka ee Dowladda Somalia.

Xassan daahir Aweys iyo xubno la socday oo ka mid ahaa ilaaladiisii la tagtay Cadaado markii uu ka soo baxsaday dhawaan kooxda Al-shabab, xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo u tagay magaaladaasi inay wadaadka ku qanciyaan inuu Muqdisho u soo wareego iyo saraakiil ka socotay maamulka Ximin iyo Xeeb.

Amaanka Garoonka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyo jidadka soo gala, waxaana sheekha markii ka soo degay dayuuradda durbadiiba amaankiisa la wareegay ciidamada nabad suggidda dowladda Somalia.

Weli ma cadda halka sida rasmiga ah loo geyn doono Sheekh Xassan, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheega in raggii la socday ee ay isku kooxda ahaayeen inay durbadiiba isu dhiibeen ciidamada dowladda.

Wariyaha VOAda Seynab Abukar Maxamed oo markii uu sheekha ka soo degayay dayuurada ku sugneyd meel ku dhow garoonka diyaaradaha ayaa ka warantay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:45 0:00
XS
SM
MD
LG