Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararka Dagaalada Kismayo


Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalintii labaad ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo kala taageersan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Maleeshiyada Barre Hiiraale oo shalay la sheegay inay fariisimo ka qabsadeen kuwa Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in maanta dib looga soo saaray goobihii ay qabsadeen.

Khasaaraha dagaalka ayaan si dhab ah loo ogeyn, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in tiro ka badan 10 qof ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira barakac balaaran oo ay dadka rayidka ahi uga qaxayaan magaalada.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa ku baaqay in si dhakhso ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Kismaayo.

Sidoo kalena warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu markale ku baaqay si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Kismaayo.

"Waxaan markale ku baaqayaa in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo oo dhiig danbe oo Soomaaliyeed aan la daadin. Soomaalida wey ka soo daaleen colaado iyo dagaallo, xalna uma noqon karaan xasilinta dalka, nabad-ku wada noolaanshaha iyo horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha dalka" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo inay dhexdhexaad ka noqdaan kooxaha dagaalamaya, isla-markaana ay kala dhexgalaan ciidamada si looga hortago inuu dagaalku sii faafo. Madaxdweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku dhaawacmay dagaalada maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Saraakiisha Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegtay in magaalada ay gebi ahaan la wareegeen isla markaana ay ka saareen ciidamadii Barre Aaden Shire Barre Hiiraale .

Barre Hiiraale oo ay la hadashay VOAda ayaa dhiniciisa beeniyay wararkaasi isla markaana sheegay inuu ku sugganyahay gurigiisa ku yaala magaalada Kismayo.

Wareysiga Barre Hiiraale halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:22 0:00
XS
SM
MD
LG