Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo Booqanaya Koofur Afrika


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Jimcahan maanta waxa uu booqasho ku tagi doonaa wadanka Koofur Afrika, taasi oo qeyb ka ah socdaal uu ku kala bixinayo seddex dal oo Afrikan ah. Socdaalka Obama ayaa u jeedadiisu tahay in la ballaariyo xiriirka uu Mareykanku la leeyahay wadamada Afrika.

Madaxweyne Obama ayaa marka hore soo afjaraya booqashada uu ku joogo wadanka Senegal halkaasi oo uu kulan kula leeyahay madaxda shirkadaha ganacsiga iyo beeraha Galbeedka Afrika oo ka qeybgalaya kulan looga hadlayo dhibaatada cunna yarida ee Afrika

Madaxweyne Obma ayaa Khamiistii shalay waxa uu kulan la yeeshay madaxweynaha wadanka Senegal Macky Sall. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu booqasho qiiro leh ku tagay Gore Island oo ah meeshii laga dhoofin jiray dadkii afrikaanka ahaa ee adduunsi ahaanta loo keeni jiray dalka Mareykanka.

Socdaalka Obama ee dalka Koofur Afrika, ayaan la ogeyn inay ku jirto inuu booqdo halyeygii reer Koofur Afrika ee la soo dagaalay midab kala sooca Nelson Mandela oo xaaladiisa caafimaad ay aad uliidato, laguna daweynayo isbitaalka magaalada Pretoria. Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa sheegay Khamiistan Maanta in booqashada Obama ee Nelson Mandela ay ku xirantahay ogolaanshaha qoyskiisa maadaama ay xaaladdiisa caafimaad tahay mid aa du liidata.
XS
SM
MD
LG