Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zuma oo Mandela Dartii Socdaal uga Baaqday


Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma, ayaa ka baaqsaday Khamiisatan maanta ah safar uu ku tagi lahaa wadanka Mozambique, ka dib markii ay ka sii dartay xaaladda caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Mr. Zuma uu xalay xilli danbe ku booqday Mandela isbitaalka Pretoria ee lagu daweynayo, xaaladda caafimaad ee Mr Mandela ayaan weli waxba iska badalin. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhaqaatiirta caafimaadku ay ku dadaalayaan sidii ay uga soo reyn laheyd xaaladda caafimaad ee hogaamiyihii la soo dagaalamay midab kala sooca.

Mandela oo 94 jir ah ayaa ku-dhawaad muddo seddex todobaad ah waxa uu ku jiraa isbitaalka iyadoo laga daweynayo infection dhinaca sambabka ah. Waa markii afaraad ee isbitaalka la dhigo Mr. Mandela tan iyo bishii December ee sanadkii hore.

Tan iyo markii Mandela isbitaalka la jiifiyey waxaa soo kordhaya taageerada ay dadka Koofur Afrika iyo dadweynaha caalamku u diryaaan Mr. Mandela, waxaana ay dadweynuhu walaac ka muujiyeen xaaladiisa caafimaad oo ah mid aad u liidata.
XS
SM
MD
LG