Isku xirrada

Ximin iyo Xeeb: Xasan D. Aweys Gacanta ayaan ku Haynaa


Maamulka Ximin iyo Xeeb ee bartamaha Somalia ayaa sheegay in ay qabteen oo gacantana ku hayaan hogaamiyihii Xisbul Islam Xasan Daahir Aweys.
Afhayeenka Maamulka, Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay in Xasan Daahir Aweys la soo qabtay saacaddu markay ahayd saddexdii saqdii dhexe ee xalay.

Wareysi ay VOA la yeelatay afhayeen Hagafey ayuu ku sheegay in hadda Xasan Daahir Aweys uu ku jiro gacanta madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex).

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG