Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India: Roobka Monsoon oo 600 ay ku Dhimatay


Saraakiisha dalka India ayaa sheegay in daadad ka dhashay roobka monsoon oo ka da’ay woqooyiga dalkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 600 oo qof, kumanaan kalena ay go'doonsan yihiin ama la la’yahay.

Mas’uuliyiinta ayaa Sabtidan maanta ah sheegay in la filayo in roobkan xooggan uu da’itaankiisu sii socon doono maalmaha soo socda, iyadoo ay kooxaha gurmadka degdegga ahina ay isku dayayaan inay badbaadiyaan in kabadan konton kun oo qof oo ku xayiran gobalka Himalaya ee Uttarakhand.

Biyo aad u xooggan oo ku socda xawaare saa’id ah ayaa xaaqay dhamaan xaafadaha.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa badbaadiyey in ka badan soddon kun oo qof shantii maalmood ee la soo dhaafay. Dadka daadka laga soo badbaadiyey ayaa waxaa ka mid ah xujey u socotay goobaha diinta ee dalka India iyo kooxo dalxiisayaal ah oo lagu soo badbaadiyey diyaaraha qumaatiga u kaca.

Wadanka India ayaa waxaa caadi ka ah daadadka uu keeno roobka monsoon ee dalkaasi ka da’a xilliyadan, hase ahaatee sanadkan waxaa da’itaanka roobkani uu todobaad ka soo hormaray xilligii la filayey inuu yimaado, iyadoo ay haatan dadku iyagoo naftooda la baxsanaya ay raadinayaan dhul ay uga badbaadaan wabiyada fatahaya ee dalkaas.
XS
SM
MD
LG