Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Agaasime Cusub u Magacaabay FBIda


Madaxweyne Obama iyo James Comey,Aqalka Cad June 21, 2013
Madaxweyne Obama iyo James Comey,Aqalka Cad June 21, 2013
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u magacaabay xika madaxa xafiiska dambi-baadhista Fedraalka ee FBI James Comey oo ah sarkaal sare oo hore uga tirsanaa maamulkii madaxweyne Bush, waxaana uu bedeley madaxii mudada badan soo hayay xafiiskaas Robert Mueller.

Mr James Comey ayaa hore u ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyihii hore ee maamulkii madaxwene Bush.

Madaxweynaha ayaa rajaynaya in xidhiidhka uu Mr Comey la leeyahay xisbiga Jamhuuriga iyo khibraddiisa qotada dheer ay u fududayn doonto inay ansixiyaan golaha Senateka ee Maraykanku.

Tan iyo markii uu xilka ka degay Mr Comey waxaa uu madax ka ahaa shirkad dhinaca gaashaandhigga ah.

Comey ayaa bedelaya Robert Mueller oo toban sano xilka soo 13 sano isaga oo xilkaasi qabtay hal todobaad ka hor weeraradii 11ka September ee 2001dii
Xafiiska FBIda ayaa qaabilsan dabalka iyo baadhista dambiyada gudaha iyo ilaalinta sharciga.

Xafiiskan ayaa maalmahan dambe waxaa culays uu kaga yimid wararka tilmaamaya kaalinta ay ku leeyihiin dhegaysyga tilifoonada dadweynaha.
XS
SM
MD
LG