Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hal Malyuun oo Qof oo ku Dibadbaxay Brazil


Dalka Brazil waxaa hadheeyay dibadbaxyo balaaran oo ay dadku dhigayaan kuwaasoo ka cabanaya qiimo koror lagu sameeyay lacagta lagu raaco gaadiidka dadweynaha iyo musuq-maasuq. Golaha wasiiradda ayaa arrintan kale shir deg-deg ah.

Hal malyuun oo qof ayaa magaalooyin ka badan 80 oo ku yaalla dalka Brazil isugu soo baxay.

Dad ka badan 300 oo kun oo qof ayaa magaalada Rio de Janeiro ka sameeyay mudaharaad halkaas oo ay boolisku isticmaaleen suntan dadka kaga ilmeysiisa si ay u xakameeyaan mudaaharaadka.

Dadkan ayaa ku xoomay dhismaha wasaaradda arimaha dibadda, iyagoo waxyaabaha holka ku tuurayay dhismaha, ka hor inta uusan booliska xoog halkaa uga saarin.

Dadkan waxay sidoo kale ka cabanayaan dayacaad ay dowladdu dayacday arimaha bulshada.
XS
SM
MD
LG