Isku xirrada

Geerida Qaraxii Muqdisho oo loo Baroordiiqay


Weerarkii Xarunta UNDP - Muqdisho

Weerarkii Xarunta UNDP - Muqdisho

Xaflad baroordiiq loogu samaynayey dadkii shalay ku dhintay weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Dhinaca kalena, tirada dadka ku dhintay weerarkii shalay ayaa kor u kacday. Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in tiradaasi haatan marayso ugu yarana 20 qof. Halka dhaawacuna yahay 21.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ka yeeshay arrintan waxayna dawladdu wacad ku martay inay amniga adkaynayso.

XS
SM
MD
LG