Isku xirrada

Maalinta Qaxootiga Adduunka oo la Xusay


Maanta waxay loo dabbaaldegaya maalinta qaxootiga adduunka, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in tirada qaxootiga adduunka ay taagan tahay heerkii ugu sarreeyey muddo 18 sano ah tiradaasi oo ah 45 milyan oo qof.

Dagaalka Siiriya ayaa si weyn u kordhiyey tirada qaxootiga. Geeska Afrikaan weli waxaa ku sugan qaxooti ka badan 1 milyan oo Soomaali ah. Xeryahaya Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa weli ah kuwa ay ku jiraan qaxootiga ugu badan caalamka ee meel keliya ku sugan.

Haddaba Munaasabadan ayaa ah mid la isku xasuusiyo dhibaatooyinka haysta malaayiin qaxootiga ku ah meela kala duwan ee dunida, iyo sida xal loogu heli lahaa dhibaatadan dabadheeraatay.

Warbixin iyo wareysi ku saabsan xaaladda qaxootiga ee Soomaalida, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG