Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Qarax Lala Eegtay Ciidamada Kenya


Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee koonfuurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lala eegtey gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo ka mid ah xoogagga nabad ilaalinta ee AMISOM.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa VOA u sheegey in saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ay ku dhaawacmeen qaraxaasi. Hase yeeshee afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa boogga twitterka ku sheegey in aaney jirin wax dhaawac ah oo soo gaarey ciidankooda, balse ay waxyeelo soo gaartay oo keliya gaariga ay wateen oo qarax miino lagula eegtey bartamaha magaalada Kismaayo.

Dhanka kale waxaa maanta isla magaalada Kismaayo lagu dhaawacey Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar),Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee Ahmed Madobe, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaadiid uu watay.

Hadaba Cabdullaahi Nuur Maxamed Kolombo ayaa hadka telefoonka ee Kismaayo kula xidhiidhay mid ka mid ah dadweynaha magaalada oo aanu magaciisa qarinay sababo dhinaca amniga ah, barnaamijka oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:26 0:00
XS
SM
MD
LG