Isku xirrada

Qurbe: Dadaalada Jamhuuriga ee Codka Soomaalida Minnesota


Murshid Baaruud

Murshid Baaruud

Barnaamijka Qurbe ee todobaadkan waxa aynu ku eegeynaa dadaalada ay Xisbiga Jamhuuriga ee gobalka Minnesota ku doonayaan inay ku soo jiitaan Soomaalida ku dhaqan gobalkaas si ay cod uga helaan xilliga doorshada ee dalkan Mareykanka.

Murshid Baaruud oo ka mid ah Soomaalida ku nool gobalka Minnesota kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku soo jiidanayaan dadka soo galootiga ah, khaasatan Soomaalida oo uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo ay isku aragti ka yiihiin xisbiga Jamhuuriga.

Murshid ayaa xusay in guddiga fulinta ee xisbiga Jamhuuriga ee gobalka Minnesota ay wadaan qorshe dhaqaale oo lagu taageerayo dadka danyarta ah, iyo mid lagu hormarinayo dadka raba inay ka baxaan saboolnimada oo ay hore u talaabsadaan, taasina hadii ay golohu isku afgartaan buu yiri waxaa laga yaabaa inay keento in Soomaali badan ay dhanka Jamhuuriga u weecdaan marka la gaaro xilliga doorashada dhexe ee sanadka 2014ka.

Barnaamijka oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG