Isku xirrada

Rowxani waa Madaxweynaha Cusub ee Iran


Wadaadka Qunyar socodka ah ee Xasan Rowxani ayaa maanta lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka Iran.

Xasan Rowxani ayaa helay ku dhawaad 19 Malyuun oo cod ee 37 malyuun ee codadka laga dhiibtay doorashada..

Rowxani oo ah isbeddel doone aamisan siyaasaddaha dhinaca dhexda u janjeera ayaa helay in kabadan 50 boqolkiiba, taasoo meesha ka saartay in la qabto wareeg labaad o doorasho ah.

Rowxaani wuxuu ahaa madaxii wadaxaajodka barnaamijka hubka Nuclearka ee dalka Iran.

Guusha Xasan Rowxani ayaa ka yaabisay xubnaha mayalka adag ee haya talada dalka Iran.

Duqa magaalada Tehran Moxamed Bagher Qalibaf ayaa noqday musharraxa kaalinta labaad ka galay doorashada, isagoo helay 16 boqolkiiba codadka la tiriyay.
XS
SM
MD
LG