Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Degmada Wanlaweyn


Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay in kabadan 17 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maanta laba qarax ay ka dhaceen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxyadan mid ka mid ah ayaa lala eegtay makhaayad.

Qarax koowaad ayaa lala eegtay makhaayad shaaha laga cabo oo la sheegayo inay isticmaallaan ciidamada dowladda, halka qaraxa labaad uu ka dhacay meel xafiis ah.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Wanlaweyn, Nur Axmed Nur ayaa VOA u sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen nooca miinada, isla markaana midkood iyaga lagu bartilmaameedsaday, balse ay ka bad-baadeen.

Nuur Axmed Nuur ayaa qaraxyadan ku eeedeeyay inay ka danbeeyaan ururka al-Shabaab.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00
XS
SM
MD
LG