Isku xirrada

Missouri: Nin Soomaali oo Dad Laayey, Isna-dilay


Soomaali ku sugnaa goobtii uu dilku ka dhacay, Missouri

Soomaali ku sugnaa goobtii uu dilku ka dhacay, Missouri

Nin asalkiisu Soomaali yahay ayaa saddex qof toogasho ku dilay magaalada St Louis ee Gobolka Missouri dalkan Marayaknak Khamiistii shalay.

Ninkan ayaa la sheegay in intii aysan booliisku soo gaadhin halkaasi uu istoogtay.

Fu’aad Maxamuud Sheekh Muxumed Cabdalle oo ay wada dhasheen mid ka mid ah dadka toogashada lagu dilay, ayaa VOA u sheegay in ninka Soomaaliga ahi dadka uu laayeey ay kala ahaayeen wiil iyo gabar Soomaali iyo gabar caddaan ah. Waxa uuna xusay in seddexda Soomaalida ah uu ka dhaxeeyey xiriir ganacsi.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dhabta ah ee ka danbeysay in ninka Soomaaliga ahi uu laayo dadkaan, hase ahaatee waxaa weli socda baaritaan ay booliisku ku hayaan sababta keentay toogashada.

Wareysiga Fu'aad Maxamuud Sh. Muxumed Cabdalle halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG