Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Iran oo Dooranaya Madaxweyne Cusub


Dadka Iran ayaa u dareeray doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Iran.
Dadka Iran ayaa u dareeray doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Iran.
Dadweynaha reer Iran ayaa maanta oo Jimce ah u dareeray inay doortaan madaxweyne cusub, iyadoo hanaanka codbixintu uu yahay mid ay si aad ah dowladdu gacanta ugu heyso.
Lixda Musharax (kor bidix) Mohammad Gharazi, Mohammad Bagher Qalibaf, Mohsen Rezaei. (hoos Bidix) Hasan Rowhani, Ali Akbar, Saeed Jalili.
Lixda Musharax (kor bidix) Mohammad Gharazi, Mohammad Bagher Qalibaf, Mohsen Rezaei. (hoos Bidix) Hasan Rowhani, Ali Akbar, Saeed Jalili.

Muwaadiniinta Iran ayaa hal musharax ka dooran doona lixda musharax ee isugu soo haray tartanka madaxweynenimada Iran, kuwaasoo ay soo gudbeyeen fadhi ay u dhanyihiin wadaadada maamula dalka. Badi musharaxiinta tartamaya ayaa la rumeysan yahay inay aad ugu janjeeraan hanaanka ah in dowladda ay badi yeelato awoodda, iyo inay daacad u yihiin wadaadka ugu sareeay dalka Iran.
Hogaamiyaha Sare ee Ruuxiga ah Ayatollah Ali Khamenei oo codkiisa dhiibanaya, Tehran, June 14, 2013.
Hogaamiyaha Sare ee Ruuxiga ah Ayatollah Ali Khamenei oo codkiisa dhiibanaya, Tehran, June 14, 2013.
​Hogaamiyaha Sare ee ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa codkiisa ka dhiibtay Jimcahan maanta magaalada Tehran. Waxa uuna codeyntiisa ka dib gaashaanka u daruuray dhaleeceynta Mareykanka ee doorashada dalkiisa, isagoo sheegay in Iran ay guuldarro ku tahay inay sugaan oo ay eegaan in Mareykanku uu aqbalay doorashadooda.

Iran ayaa xirtay dhamaan inta badan xuduudaheeda, iyadoo wadooyinka laga aruuriyay qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ku ah dowladda, xabsigana loo taxaabay qaar ka mid ah wariyayaasha. Inta badan warbaahinta dibadda ayaa loo diiday dalabka fiisooyin ay doonayeen inay ku galaan dalka Iran si ay u baahiyaan doorashooyinka.

Dalka Iran waxaa sharci ahaan codeyn kara ilaa iyo 55 milyan oo qof.

Musharaxa guuleysata ayaa talada kala wareegi doona madaxa xilka ka dagaya ee Maxamuud Axmedinejad.
XS
SM
MD
LG