Isku xirrada

Ammuuraha Islaamka: Rabshadaha Dalka Turkey


Wadanka Turkey waxaa todobaadyadan ka socday rabshado ka dhan ah dowladda uu hogaamiyo Ra'iisul-wasaaraha dalkaasi Raccep Teyyip Erdogan.

Banaanbaxyada oo markii hore ka bilowday gadood ay dadku ka keeneen qorsheyaal ay dowladdu ku dooneysay inay dhismayaal ganacsi uga dhisto beer lagu nasto oo ku taala bartamaha magaalada Isatanbul, ayaa markii danbe isku badalay kuwo siyaasadeed oo looga soo horjeedo dowladda isla-markaana lagu dalbanayo in ra'iisul-wasaaruhu iscasilo.

Hadaba Barnaamijka Ammuuraha Islaamka ayaan ku eegeynaa saameynta rabshadahaasi ay ku yeelan karaan doorashooyinka dalkaasi ka dhici doona sanadka soo socdo. Barnaamijka oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG