Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Diiday Xafiiska UNSOM


Nicholas Kay
Nicholas Kay
Somaliland ayaa sheegtay in xafiiska siyaasadda UNSOM uusan ka shaqeyn karin Somaliland. Madaxda Somalilad ayaa sheegay in xafiiskan mandate-kiisu yahay taageerista dowladda Somalia, iyaguna ay yihiin "Dal" ka madax bannaan Somalia.

Go'aankan ayaa lagaga dhawaaqay kulan Khamiistii shalay Hargeysa ku dhexmaray wakiilka gaarka ah ee XGQM, Nicholas Kay iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed C/laah Cumar ayaa sheegay in xafiiska siyaasadda ee UNSOM uu yahay xafiis balaarinaya mashaariicda dowladda Federaalka Somalia, sidaasi darteedna aysan taasi Somaliland dan ugu jirin.

Maxamed C/laah wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in UN-ka kala shaqeyso mashaariicda bini'aadanimo iyo dhinaca horumarinta, waxayna ka codsadeen UN-ka inuu kordhiyo mashaariicdaasi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00
XS
SM
MD
LG