Isku xirrada

QM: Caruur Badan ayaa lagu Dhibaateeyey Colaadaha


Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in kumanaan Caruur ah la diley, la dhawacay qaarkoodna la dhibaateeyey ama sanadihii lasoo dhaafay loo askareeyey in ay ka mid noqdaan kooxaha malayshiyada ah iyo ciidamadaba, arrintaas oo ka dhalatay sababaha laxariira khilaafyada dhinacyada hubaysan dhexmara.

Warbxin sanad la ah ee arrintan laga soo saaro ayaa guddiga heerka caalmi ah ee qaabilsan arrimahan waxa uu hoosta ka xariiqay in woxogaa horumar ah laga sameeyey gobolada qaarkood, halka kuwa kalana ay xaaladu kasii dartey sida Mali, Suuriya iyo Central African Republic.

Wariyaha VOA Margaret Besheer ayaa warkan kasoo dirtey xarunta QM, Sahra Abdi Ahmed ayaa soo koobaysa.

XS
SM
MD
LG