Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi ka Socda Ururka EU oo Muqdisho Tagay


Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Muqdisho booqday, lana kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.
Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Muqdisho booqday, lana kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda iyo nabadgelyada, ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, iyagoo la kulmay hogaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wafdiga kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo kaalmada Midowga Yurub ee ku aadan Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa kulankaasi kadib saxaafadda u sheegey in Midowga Yurub ay Somalia kala shaqeynayaan sidii magaalada Brussels loogu qaban lahaa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya bisha September ee sannadkan.

Guddiga ayaa booqday xarun lagu tababaro ciidamada Soomaaliya oo ku taalla magaalada Muqdisho, xaruntan oo saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ay tababarka ka bixiyaan, ayaa dhawaan laga soo wareejiyey dalka Uganda oo horey ciidamada Soomaaliya loogu tababari jiray.

Warbixinta oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:25 0:00
XS
SM
MD
LG