Isku xirrada

Falanqeyn: Xog-uruursiga Dawladda Maraykanka


Wararka ku saabsan xogtii ay dawladda Maraykanku ka urursatay macaamiisha shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xiriirka bulshada ayaa sheegaya in dalalka Iran iyo Pakistan ay yihiin kuwa ugu horeeya ee xogta laga helay, halka dalalka Masar iyo Kenyana ay qaaradda Afrika ugu horeeyaan.

Dawladda Maraykanka la socodka sirdoonka dibadda iyo dalka gudihiisaba u sameysatay sharciyo ay xogtii ay doonayso ku raadsato.Tusaale ahaa sirdoonka dibadda, waxa jira sharci uu congressku ansixiyey bilowgii 50-meedyadii, kaas oo lagu magacaabo FISA.

Haddaba waxa sharcigan FISA uu yahay, ayaa waxa ka hadlaya Prof. Liban Cabdullaahi Cigaal oo maadadda isgaarsiinta ka dhiga Jaamacadda George Mason ee dalka Maraykanka.

Wareysi arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG