Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliiska Turkey oo Weeraray Fagaaraha Taksim


Dibadbaxayaasha oo ka kala cararay gaaska dadka ilmeysiiya ee booliisku furayaan, fagaaraha Taksim ee Istanbul, June 11, 2013.
Dibadbaxayaasha oo ka kala cararay gaaska dadka ilmeysiiya ee booliisku furayaan, fagaaraha Taksim ee Istanbul, June 11, 2013.
Boqolaal ka tirsan booliiska rabshadaha ka hortaga ee dalka Turkey, ayaa Talaadadan maanta ah gudaha u gulay fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul, iyagoo gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo biyo ku kala eryey koox yar oo dhigeysay dibadbax ka dhan ah dowladda.

Dibadbaxyaasha oo walaxaha qaraxa ku tuuraya booliiska oo ku sugan Fagaaraha Taksim ee Istanbul, June 11, 2013.
Dibadbaxyaasha oo walaxaha qaraxa ku tuuraya booliiska oo ku sugan Fagaaraha Taksim ee Istanbul, June 11, 2013.
Dibadbaxayaasha qaarkood ayaa dhagxaan iyo walxaha qarxa ku tuuray ciidanka booliiska, iyagoo iska dhegotiray baaqa booliiska ee ah inay joojiyaan weerarada.

Goor sii horeysay ayey dadka mudahaaradka dhigayey waxa ay gooyeen wadooyinka soo gala fagaaraha iyagoo u diyaar garoobayey suurtagalnimada in ciidanka booliisku ay soo weeraraan, waxaana ay taasi ka danbeysay markii ay arkeen xoogagga ammaanka oo soo dhoobtay hareeraha meesha banaanbaxayaashu ay joogeen.
Booliiska oo biyo ku kala eryaya dadka mudaharaadka ka dhigaya Fagaaraha Taksim ee Istanbul, June 11, 2013.
Booliiska oo biyo ku kala eryaya dadka mudaharaadka ka dhigaya Fagaaraha Taksim ee Istanbul, June 11, 2013.
Booliiska ayaa fujiyey calamo ay ku qornaayeen hadalo ka dhan ah dowladda oo ay banaanbayaashu ku dhajiyeen dhisme dheer oo ku yaalla dhinaca fagaaraha Taksim, waxaana taa badelkeeda ay booliisku ku dhajiyeen calanka Turkiga.

Talaabada ay ciidanka booliisku qaadeen ayaa imanaysa ka dib markii uu Ra-iisul-wasaare Recep Tayyip Erdogan uu ogolaaday inuu Arbacada la kulmo kooxaha dhigaya dibadbaxyada ka dhanka dowladda.

Wareysi ku saabsan rabshadaha ka socda dalka Turkey halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:15 0:00
XS
SM
MD
LG