Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Augustine Mahiga oo Muqdisho lagu Sagootiyey


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa maanta qado sharaf sagootin ah xarunta madaxtooyada ugu sameeyey Danjire Augustine Mahiga oo ahaa ergeygii gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsanaa Soomaaliya.

Dr Mahiga oo muddo saddex sanno ah hayey xilkaasi arrimaha Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaatey soo afjarista hanaankii xukuumadda KMG ee Soomaaliya, ee horseeddey in dowlad rasmi ah ay ka dhalato dalka 22 sanno kadib.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa munaasabadaasi sagootinta ah waxaa uu Mr Mahiga ku guddoonsiiyey billad sharaf iyo agab kale oo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya la xiriira.

Warbixinta sagootiska Dr. Mahiga oo uu noo diyaariyey Xuseen Barre halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00
XS
SM
MD
LG