Isku xirrada

Qaraxyo ka Dhacay Mombasa iyo Nairobi.


Wararka ka imaanay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Kenya ee Mombasa ayaa sheegaya in Ugu yaraan todoba qof ay ku dhawaacmeen qarax ka dhacay magaladaasi gaar ahaan meel ku dhow degaanka la yirahdo Likoni.

Rag saaran dhug dhugley ama mooto ayaa la sheegay inay weerarka geysteen iyagoo bamboo gacmeed ku tuuray kaniisad ay dad masiixiyiin ah wax ku caabudayeen.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Bambaano kale lagu weeraray hotel ku yaala xaafadda Eistleight ee ay Somalidu ku badantahay magalaada Nairobi, saddex qofna ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa tirada dadka ku dhaawacmay labada weerar gaarsiinaya ilaa iyo 15 qof.

Ma jirto weli cid sheegatay weerarada Bambaabo, laakiin weeraro horey uga dhacay dalka kenya ayaa waxaa saraakiisha Kenya ay sheegeen inay ka dambeeyeen taageerayaasha kooxda argagixisada Somalia ee Al-shabab.

Wareysi aan arintaasi kala yeelanay Cabduqadir Jeylani Abukar oo ka tirsan Idaacadda Salama ee magaalada Mombasa halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG