Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo oo Markale lagu Dagaalamay


Magaalada kismaayo ayaa maanta waxaa markale ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe iyo kuwa Iftiin Xasan Baasto.

Dagaalka maanta ayaa bilowday kadib markii ay weerar qaadeen ciidanka Axmed Madoobe oo weeraray fadhiisimada maleeshiyada Iftiin Baasto.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Axmed Madoobe ay u suurto gashay inay qabsadeen wadada dheer ee isku xirta airport-ka iyo farasmagaalaha ee xaafadda Calanley, iyadoo ay xaafaddaasina ay ka baxeen oo laga saaray maleeshiyadii Iftiin Baasto.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo isugu jira dhinacyadii ku dagaalamay magaalada iyo dad rayid ah.

Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe, C/naasir Seerar ayaa sheegay in dagaalka ay soo af-jareen kadib markii ay ka adkaadeen dhinicii ka soo horjeeday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kana hadlay dagaalka ka dhacay Kismaayo, ayaa ku baaqay in si dhakhso ah loo joojiyo colaadda.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ku sugan magaalada Muqdisho. ayaa isna ku baaqay in la joojiyo dagaalka, xalkana lagu raadiyo wadahadallo nabadeed.

Warar iyo wareysiyo ku saabsan dagaalka Kismaayo halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:52 0:00
XS
SM
MD
LG