Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mandela oo Markale Isbitaal la Dhigay


Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Nelson Mandela, ayaa dib loogu celiyey isbitaalka goor hore Sabtidan maanta ah, ka dib markii uu ku soo laba kacleeyey infection ka haya sambabada.

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa hadal qoraal ah waxa uu ku sheegay in Mandela loo qaaday Isbitaalka Pretoria xilli danbe oo habeenkii xalay aheyd ka dib markii xaaladiisa caafimaad ay sii xumaatay. Inkastoo lagu daray liiska dadka xaaladoodu ay liidato, hadana waxa ay dhakhaatiirtu isbitaalku sheegayaan inuu ku jiro jawi deggen.

Mandela oo 94 jir ah ayaa bishii April waxaa muddo 10 beri oo uu ku jiray isbitaal laga daweeyey xanuunka ka haya sambabada.

Dhibaatada dhinaca neefta ah ayaa Mr. Mandela waxaa ay la soo daristay 27kii sano ee xabsiga uu ku jiray, waqtigaa oo ay dalka Koofur Afrika uu ka jiray midab kala sooc.

Mr. Mandela ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan inta badan si rasmi ah loo arag taasi oo ay keentay xaaladdiisa caafimaad oo aan wanaagsaneyn..
XS
SM
MD
LG