Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Kooxood oo ku Dagaalamay Kismaayo


Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamo taageersan ururka Raaskanboni ee maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe iyo maleeshiyo kale oo taageersan Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah siyaasiyiinta Kismaayo kaga dhawaaqay inay madax ka yihiin maamulka Jubbooyinka.

Mr. Baasto ayaa VOA u sheegay in dagaalku qarxay markii ciidanka Raaskaanbooni ay damceen inay isaga xiraan, laakiin sarkaal ciidan oo ka tirsan ururka Raaskanbooni oo VOA-da la hadlay ayaa arrintaasi beeniyay, wuxuuna dagaalka ku eedeeyay dowladda Somalia, gaar ahaa wasiirka difaaca oo uu sheegay inuu magaalada joogo isla markaana uu hubeynayo kuwa iyaga ka soo horjeeda.

Wasiirka difaaca, C/xakiin Maxamuud Fiqi ayaa isna VOA u sheegay in dagaalku dhexmaray laba maleeshiyo oo kala taageersan maamullo iska soo horjeeda, wuxuuna sheegay in dowladdu canbaareynayso dagaalka.

Ma cadda tirada khasaaraha rasmiga ah ee dagaalku dhaliyay, waxaa jira warar is-khilaafsan oo ka hadlaya dadka dhintay. Goobjoogyaal ayaa sheegay in ilaa 3 qof oo rayid ah ay dhinteen, sidoo kalena ay dhici karto dhimasho soo gaartay labada dhinac ee dagaallamay, wasiirka difaacuna wuxuu VOA u sheegay in 1 qof uu dhintay ilaa 8-na ay dhaawacmeen.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan, waxaana dhacayay rasaas goos-goos ah oo laga maqlayay gudaha magaalada.

Madaxweynaya Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka oo canbaareeyey, wuxuuna labada dhinac ugu baaqay inay colaadda joojiyaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:13:19 0:00
XS
SM
MD
LG