Isku xirrada

Laba Dhalinyaro ah oo lagu Dilay K/Afrika


Warar ka imaanaya dalka Koofur Africa ayaa sheegaya in laba dhalinyaro ah oo Soomaali ah oo ilmaadeer ah lagu dilay xalay gobolka Limpopo ee dalka Koofur Afrika

Maxamed Cumar Maxamed oo labadan midkood ay walaalo yihiin midna uu abti yahay ayaa VOA u sheegay in labadan wiil lagu dilay tukaan ay gobolkaasi ku lahaayeen, waxa uuna intaa ku daray in boolisku ay la socodsiiyeen in la qabtay dadkii dilkaasi ka danbeeyay.

Dhinaca kalena Dibad-baxyo looga soo horjeeda dilalaka lala beegsanayo Soomaalida ku nool wadanka Koofur Afrika, ayaa maanta ka kala dhacay gobolada ay Somalidu u badantahay ee dalkaas.

Magaalada Cape Town ayaa ayaa ilaa 200 qof oo Soomaali ah ay isugu soo baxeen si ay dareenkooda cabasho ee la xariira dilalka lagu ugaarsanayo ay ugu gudbiyaan dowlada.

Maxamed Siyaad Axmed oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas ayaa sheegay in dadku ay ku hor mudaaharaadeen Xarunta Barlamaanka ee dalkaas.

Wareysiyada Maxamed Cumar iyo Maxamed Siyaad halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG