Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Xuduudaha Baddeenu Gorgortan Ma leh


Cadceedda iyo biyaha badda oo u muuqda inay dacadlka isku hayaan
Cadceedda iyo biyaha badda oo u muuqda inay dacadlka isku hayaan
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay Go’aankii Baarlamaanka Ku Meelgaarka ah sannadkii 2009-ka uu ku diiday isfaham ay gaadheen Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsanaa wadahadal laga galo xuduudaha badda Soomaaliya.

ka dib kulan Golaha Wasiirrradu ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdishu, ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in dawladda federaalku aysan taageersanayn is-fahamkaasi hore oo doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed.

Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayaa magaalada Nairobi ee Kenya ay ku saxiiixeen Wasiirkii hore ee Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan.

Dawladda Soomaaliya ee federaalka ah waxay sheegtay inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.
XS
SM
MD
LG