Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda Syria oo Qabsaday Qusair


Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Basharal Assad oo kor u sida calanka Syria oo dhexmaraya Qusair.
Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Basharal Assad oo kor u sida calanka Syria oo dhexmaraya Qusair.
Ciidamada dowladda Syria oo ay taageerayaan dagaalyahaniinta Xisbullaah ee ka soo jeeda wadanka ay dariska yihiin ee Lebanon, ayaa la wareegay awoodda magaalada muhiimka ah ee Qusair oo ku taalla xadka Lebanon, halkaasoo ku dhawaad seddex todobaad ka hor ay ciidmada dowladdu weerareen.

Telefishinka dowladda Syria ayaa sheegay Arbacadan maanta ah in ciidamadu ay ka adkaadeen kooxo argagixisa ah, dowladda Syria ayaa erayga “argagixiso” adeegsata marka ay tilmaamayaan dagaalyahaniinta mucaaradka ee isku dayaya inay meesha ka saaraan dowladda Madaxweyne Basharal Assad.

Xoogagga falaagada ayaa sheegay inay dib uga gurteen Qusair oo ay gacanta ku hayeen muddo ka badan hal sano.

Magaalada ayaa waxaa dhex mara waddo wayn oo isku xirta caasimadda Dimishiq iyo xeebta Mediterranean-ka, waxa ayna magaaladu dacalka ku heysaa xadka Lebanon oo ah meel ay falaagadu si dhuumaaleysi ah uga gudubto.

Dagaalka ka dhacay Qusair ayaa waxaa ku lug leh maleeshiyada Xisbullaah, taasi oo kor usii qaadday walaaca beesha caalamka ee ah in colaadda Syria ay gobalka ku baahdo. Todobaadkii la soo dhaafay, ayaa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxaa ay soo saareen qaraar lagu dhaleeceynayo adeegsiga dowladda Syria ay dagaalayanada ajnabiga ah u adeegsatay dagaalka magaalada Qusair.

Dhinca kale saraakiil ka socota Qaramada Midoobay, Russia iyo Mareykanka, ayaa Arbacadan maanta ah ku shiraya magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyagoo isku dayaya in heshiis nabadeed lagu soo afjaro colaadda ka taagan dalka Syria.

Dhinacyada ayaa rajeynaya in wadaxaajood dhexmara dowladda iyo mucaaradka lagu soo dhiso dowlad ku meelgaar ah, hase ahaatee wadahadaladu weli ma bilaaban.
XS
SM
MD
LG