Isku xirrada

Puntland oo Qabatay Sarkaal ka tirsan Al-Shabab


Wasiirka amniga maamul goboleedka Puntland, Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo muddo ku sugnaa magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka ayaa sheegay in sarkaalku intii aan qaban uu is difaacayey, dhaawac arrintaas ka soo gaareyna hadda looga daweynayo magaalada Boosaaso.

Wariyaha VOAda Faadumo Yaasiin Jaamac oo wasiirka wareysatay ayaa ugu horeyn wax weydiisay hawlgalka ay sarkaalka ku soo qabteen.

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG