Isku xirrada

Heritage oo ka Hadashay Xaaladda Kismaayo


HIPS

HIPS

Machadka Cilmi Baarista ee Heritage ayaa warbixin ay soo saartey waxay ku xustey in xiisadaha ka aloosan Kismaayo ay wiiqi karaan Dowladda Federaalka.

Machadka ayaa sheegay in xiisadahana ay dagaalo sokeeye dhalin karaan, loona baahan yahay dowladdu inay aqoonsato dadaalka iyo halgankii kooxda Raas Kambooni ee uu horkacayo Ahmed Madoobe.

Sidoo kale warbixinta uu soo saaray Machadku ayaa tilmaantay in walaaca ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qabto inaan loo dhammeyn isla markaana uusan hufneyn hannaankii lagu dhisay “Jubbaland” in sitaxaddar leh loo tixgaliyaa.

Kismaayo ayaa gashey xaalad cakiran markii khilaaf uu ka dhashey dhismaha maamul loo sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysi ay VOA la yeelatay Cabdirashid Khaliif oo ah agaasime ku xigeenka Xaruunta Heritage.
XS
SM
MD
LG