Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: South Africa ha Ilaaliso Soomaalida


Dawladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumadda South Africa inay mas’uuliyad iska saarto ilaalinta dadka Soomaalida ah ee weerrada is-daba joogga ah loogu gaysanayo dalkaasi.

Magaalada Muqdishana waxaa lagaga dhowaaqay in dawladdu ay wafdi dhowaan u diri doonto dalkaasi.

Tallaabadanina waxay ka dambaysay weerarada lala beeganayo ajaanibta oo ay Soomaalida qayb ka yihiin iyo hantidooda oo sii kordhaya.

Toddobaadkii horena nin Soomaali ah ayaa lagu dilay dhagax iyo baangado magaalada Booysen Park ee u dhow Port Elizabeth.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka South Africa Sayid Xasan Shariif ayaa sheegay in 3 qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen 2 kalena ay ku dhaawacmeen weerarada lagu beegsanayay ganacsatada Soomaalida iyo ajaanibka ah ee dalkaasi ka bilaabmay todobaadkii hore.

Danjiraha oo u warramay VOA ayaa sheegay in ay arrintaasi kala hadleen madaxda dalkaasi.

Warbixin iyo Waraysi ku saabsan xaaladda Soomaalida South Africa ka dhegayso halkan.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:08:07 0:00
XS
SM
MD
LG