Isku xirrada

Howlgalka UNSOM oo ka Bilowday Somalia


Wasiirka warfaafinta iyo Ergayga cusub ee UNSOM

Wasiirka warfaafinta iyo Ergayga cusub ee UNSOM

Hawlgalka Xafiiska Cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM oo ay wada hoos iman doonaan hawlaha taageerada arrimaha amniga, maamul wanaagga iyo xuquuqda aadanaha ayaa maanta ka bilowday Somalia.

Xafiiska UNSOM ayaa beddeli doona kii ka horeeyey ee UNPOS ee uu madaxa ka ahaa Dr. Augustine Mahiga, iyada oo Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain uu hogaamin doono xafiiskan cusub.

Ergeyga cusub, Nicholas Kay ayaa ka hawlgali doona magaalada Muqdisho, waxana la filayaa inuu dhawaan booqdo Somaliland.

Warbixin iyo wareysi la xiriira waxqabadkii UNPOS iyo waxa xafiiska cusub ee UNSOM la fili karo, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG