Isku xirrada

Mahiga iyo Waraysigiisii u Dambeeyay


Dr. Mahiga oo Wareysi Siiyay VOA

Dr. Mahiga oo Wareysi Siiyay VOA

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augsutine Mahiga oo xilka ka degaya laba maalmood gudahood, ayaa waraysigiisii u dambeeyay siiyay VOA, waxaana uu ka hadlay maraxladihii Soomaaliya ay soo martay intii uu xilka hayay.

Ergayga ayaa dib ugu laabanaya magaalada New York waxaana uu Dhexdhexaadiye sare ka noqon doonaa Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay.

Danjire Mahiga iyo xafiiskii uu madaxda ka ahaa ee UNPOS waxaa beddeli doonaa Xafiiska United Nations Somalia Mission (UNSOM) oo uu madax ka noqon doono Nicholas Kay oo u dhashay dalka Biritan.

Ambassador Mahiga waxaa soo magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay bishii Juun 9-keedii sannadkii 2010-ka waxaana ay shaqadu kaga egtahay 3-da bisha Juun oo ku beegan Isniinta toddobaadkan.

Danjiraha ayaa sheegay inuu ku laaban doono New York kadibna oo qoraal iyo dokumentiyo ka samayn doono hawsha uu la qabtay Soomaalida ee dhamaysrtirka kala-guurka iyo xalinta khilaafaadka si ay uga faa’idaystaan Soomaalida iyo Qaramada Midoobay.

Waxaase uu VOA u sheegay in Soomaaliya iyo dadkeeduba ay qayb ka ahaan doonaan dhiigiisa.

Waraysi gaar ah oo Ambassador Mahiga siiyey idaacadda VOA ayuu kaga hadlay doorkii uu ka ciyaaray kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhammaynta xilliga kala-guurka iyo xallinta khilaafaadka Soomaaliya.

Waraysiga Danjire Mahiga ka dhegayso halkan.
XS
SM
MD
LG