Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Japan oo Qabatay Shir u Gaar ah Somalia


Shirka Japan
Shirka Japan
Magaalada Yokohama ee Japan waxaa maanta ka dhacay shir ku saabsan Soomaaliya oo ay wada shir-guddoominayeen RW Japan iyo Madaxweynaha Somalia.

RW Japan Shinzo Abe ayaa shirkaasi kaga dhawaaqay in Japan ay dib u bilaabi doonto gar-gaarka ay sida tooska ah u siin jirtay Somalia oo markii hore la sii marsiin jiray hay’addaha caalamiga ah.

Shirkan waxaa ka soo qeybgalay madax ka tirsan dalalka Afrika oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Djibouti, RW Ethiopia, Madaxweyne kuxigeenka Kenya iyo madax kale.

RW Japan, Shinzo Abe ayaa shirkaasi ka sheegay inay Japan diyaar u tahay inay Somalia ka caawiso sidii dib loogu dhisi lahaa.

Lataliyaha madaxweynaha, Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa VOA u sheegay in RW Japan uu ku amaanay madaxweynaha Somalia iyo dowladdaba horumarka ay gaareen.

Eng. Yariiso ayaa sidoo kale sheegay in labada hoggaamiya ay shirka ka sheegeen baahi deg-deg ah ee loo qabo in beesha caalamku ay taageerto Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa xubnaha shirkaasi ka qeybgalay ugu baaqay inay taageerada iyo mucaawanimada ay bixiyaan ay si too ah ugu soo beegaan dowladda Somalia.

Madaxweynaha Somalia iyo RW Japan ayaa ka hor shirkaasi waxay yeeshee kulan ay ku heshiiyeen inay xoojinayaan xiriirka labada dal ka dhaxeeya.
XS
SM
MD
LG