Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xizbullah: Syria ayaa Heshay Hubkii Russia


Gantaalada Russia ee Casriga ee S-300 (file photo)
Gantaalada Russia ee Casriga ee S-300 (file photo)
Warbaahinta ururka Xizbullah ayaa sheegtay in dawladda Syria ay heshay gantaaladii casriga ahaa ee ay ka soo iibsatay Russia.

Tilifishanka Al-Manaar ee dalka Lubnaan oo hoos taga ururka Xizbullah ayaa shaaca ka qaaday in shixnaddii ugu horaysay ee gantaalada difaaca cirka gaar ahaan nooca loo yaqaanno S-300 ee lidka diyaaradaha ay gaadheen dalka Syria.

Ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijin karaa sheegashada Xizbullah oo gacan saar la leh maamulka Syria.

Dawladda Russia oo ay xulufo yihiin Syria ayaa hore u sheegtay inay ogolaatay heshiis ay in badan hakinaysay oo ay labada dal ku kala iibsanayeen hubkan casriga.

Russia ayaa sheegtay in hubkan uu ka difaaci doono dawladda Syria haddii dibadda laga soo weeraro.

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxday Israel iyada oo wasiirka gaashaandhigga ee dalkaasi Moshe Ya'loon uu hore u sheegay in ay dhici karto inay weerar la beegsadaan ganataaladaasi cusub haddii ay gaaraan Syria.

Israel ayaa ka walaacsan in gantaaladan cusub ay gaari karaan dhulkeeda amma lala beegsan karo diyaaradaheeda, waxaanay gantaaladani xayirayaan awoodda ay Isarel u leedahay inay duqayn la beegsato Xizbullah oo ka dagaalma koonfurta Lubnaan.

Dadka faalleeya siyaasadda bariga dhexe ayaa u arka in gantaaladan cusub ay caqabad ku yihiin shirka nabadda ee ay ku baaqeen Maraykanka iyo Russia.
XS
SM
MD
LG