Isku xirrada

Shirka Maalgalinta Soomaaliya oo Xirmay


Shirka Maalgashiga Soomaaliya

Shirka Maalgashiga Soomaaliya

Magalaada Nairobi ayaa lagu soo gabagabeeyay shirkii dib-u-dhiska iyo maalgashiga Soomaaliya oo laba maalmood socday.

Shirkan ayaa gabagabdiisa waxaa lagu soo saaray warmurtiyeed ay wadajir u soo saareen Rugaha ganacsiga ee Kenya iyo Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacisga iyo warshadaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa VOAda uga warrmay natiijada ka soo baxday shirkan.

Agaasimaha ayaa sheegay in natiijada ugu muhiimsan ee shirkan ka soo baxday ay ahayd iyada oo la isku raacay in la dar-dar galiyo dhamaystirka sharciga maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.

Sharcigan ayaa sida uu Agaasimuhu sheegay waxa uu hagi doonaa maalgashiga ay shirkadaha caalamiga ah iyo dalalka shisheeya ee doonaya inay maalgalin ku sameeyaan Soomaaliya.

Sharciga maalgashiga ee Soomaaliya ayaa sida uu Agaasimuhu sheegay waxaa u marayaa heer gabagabo iyada oo dhawaan loo soo gudbin doono sharcidajiyayaasha si loo ansixiyo.

Shirkan ayaa waxaa wadajir u soo qaban qaabiyay Rugta Ganacsiga Somaaliya iyo tan Kenya, waxaana sidoo kale gacan weyn ka gaystay abaabulkiisa iyo qabanqaabadiisa hay’adda Hanvard.

Waraysiga agaasimaha ka dhegayso halkan
XS
SM
MD
LG