Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo Leexinaysa Biyaha Wabiga Nile


Wabiga Niil
Wabiga Niil
Ethiopia ayaa bilawday dhismaha biya-xireen cusub oo ay ka samaynayo wabiga ugu wayn Africa ee Niilka.

Hawlaha dhismaha Biya-xireenkan ayaa leh wajiyo kala duwan, waxaana shalay oo Talaado ahayd ay dawladda Ethiopia shaaca ka qaadday in ay bilawday in ay Leexiso biyaha wabiga inta ay socoto hawsha dhismuhu.

Madaxa wakaaladda Korontada ee Ethiopia Mihret Debebe ayaa sheegay in ay qasab ku noqotay in ay leexiyaan qayb ka mid ah biyaha wabiga maadaama oo uu dhismaha biya xireenku socdo iyada oo laga dhisayo bartamaha wabiga.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaysa lacag gaadhaysa 4.7 billion oo doolaar, waxaana lagu wadaa in uu noqdo biya-xireenka ugu tamar dhalinta badan Africa.

Biya-xireenkan ayaa laga dhisyaa gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yalla xuuduudda Ethiopia iyo Sudan.

Talaabadan ayaa walaac badan ku abuuraysa wadamada uu sii maro wabiga Niil gaar ahaan kuwa sida wayn ugu tiirsan oo kala ah Masar iyo Sudan.

Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in biya xireenkan cusub uu dhalin doono tamarta korontada oo awooddeeda gaadhayso 6 kun oo megawatt, taasi oo ay Ethiopia sheegtay in ay u dhigmayso tamarta ay dhalin karaan lix warshadood oo Nukliyeer ah.

Ethiopia ayaa ka mid ah wadamada uu soo maro wabiga Nile oo ka soo bilaabma bartamaha Africa, kuna dhamaada badda cad ee Mediterraneanka, waxaana si wayn ugu tiirsan wadamada Masar iyo Sudan.

Labada todobaad ee soo socda ayaa waxa la filayaa inay soo baxdo warbixin ka hadlaysa saamaynta uu biya xireenkan ku yeelan karo guud ahaan wabiga Niil.
Warbixintan ayaa waxaa soo saaraya guddi khubaro ah oo ka socda wadamada Ethiopia, Masar iyo Sudan.
XS
SM
MD
LG