Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD: Dowladda Somalia ha Qabato Shir Dib u Heshiisiin


MADAXDA IGAD
MADAXDA IGAD
Madaxda IGAD oo Xalay kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa isku raacay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir Qaran oo dib u heshiisiin ah oo ay ka soo qeybgalaan Soomaalida deegaanka Jubbooyinka si loo sameeyo maamul ku meel gaar ah oo ka shaqeeya sidii dowlad goboleed waafaqsan dastuurka loo heli lahaa oo ay dowladdu hoggaamineyso.

Madaxda IGAD waxey walaac ka muujiyeen xaalada Kismaayo oo ay ugu baaqeen dadka deegaanka inay illaaliyaan xasilinooda kana fogaadaan wax walba oo keeni kara colaado hor leh oo bilowda.

Wareysi aan la yeelanay Afhayeenka Madaxtooyada Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha. Eng: Cabdiraxman Cumar Cusman Yarisow halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:03 0:00
XS
SM
MD
LG