Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD: Dawladda Ha loo Daayo Arr. Jubbooyinka


Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya
Golaha wasiiradda ee IGAD ayaa maanta soo gabo gabeeyay shir ay ku lahaayeen magaalada Addis Ababa.

Shirka ayaa looga dooday warbixin uu soo saaray guddi xaqiiqo raadis ah oo IGAD ay u dirtay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Fowsiya Yusuf Haji Aden ayaa VOA u sheegtay in War-murtiyeed ka soo baxay kulankan wasiirrada lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shirweyne ay ka soo qayb-galaan dhammaan dhinacyada gobollada Jubbooyinka si loogu jeexo kharriirad lagu sameynayo maamul iyadoo la raacayo dastuurka Soomaaliya.

War-murtiyeedka golaha wasiiradda ayaa la filayaa inay ansixiyaan madaxweynayaasha IGAD marka ay caawa shir ku yeeshan Addis Ababa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:29 0:00
XS
SM
MD
LG