Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadlay Droneska iyo Guantanamo


Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in Milatariga Mareykanka uu u adeegsado dayuuradaha aan cidina wadin ee Droneska, daruufo aad u xadiddan, laakiin ay ka door bidayaan in shaqsiyaadka argagixisada ah inay soo qabtaan, su’aalo weydiiyaan, oo ay sharciga marsiiyaan.

Isagoo ka hadlayay Jaamacadda Natitonal Defense ee Magaaladan Washington Khamiistii shalay ayuu Madaxweynaha waxa uu u qiil dayay xeeladaha milatari ee qarsoodiga ah ee inta badan uusan maamulkiisa ka hadal, isagoo sheegay in xeeladaasi ay tahay mid ay ku beegsadaan ururka Argagixisada Al-qacida iyo ururada ay xulufada yihiin, marka ay lagama maarmaan noqoto.

warbixin ku saabsan Khudbadda Madaxweynaha iyo wareysi ku saabsan xabsiga Guantanamo oo aan la yeelanay Maxamed Cabdow Saalin oo ka tirsan ciidmada Mareykanka kana soo shaqeeyay xabsigaasi halkan hoose ka dhageyso.


please wait

No media source currently available

0:00 0:16:22 0:00
XS
SM
MD
LG