Isku xirrada

Mooshin ka Dhan ah Xukuumadda oo Fashilmay


Waxaa fashil uu ku yimid mooshin ka dhan ahaa xukuumadda Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kadib markii xildhibaanadii horey u soo gudbiyey intooda badan ay la laabteen.

Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa fadhi maanta baarlamanku uu ku yeeshey Muqdisho ka sheegey in xildhibaanno tiradooda ay ka yar tahay 40 ay ku soo hareen moshinkaas, sidaa awgeedna uusan ansax noqon karin in laga doodo oo baarlamanka la horkeeno.

Warbixinta mooshinka baarlamaanka halkan hoose ka dhageyso.
XS
SM
MD
LG