Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska iyo Dibadbaxayaal isku dhacay Tunisia


Masuuliyiinta Dalka Tunisia ayaa sheegay in iska hor imaad ku dhex maray jidadka duleedka Caasimadda dalkaasi ee Tunis kooxo Islamiyiin ah oo dibad bax ashtaka ah dhigayay iyo ciidamada booliska uu ku dhintay mid ka mid ah dibad baxayaasha.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ninka dhintay oo da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo labaatan sano jir, uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka oo axadii shalay ka dhacay degmada la yirahdo Etadhamen.

Kooxdan seef la boodka ah ee dibad baxa dhigeysay oo loo yaqaan Salafiyiinta, ayaa dhagxaan ku tuurayay booliska Tuunisiya, si ey uga ashtakoodaan dowladda oo mamnuucday shir sanadla ahaa oo kooxdan ay ku qabsan jirtay magaalada Kairouan ee bartmaha dalkaasi.

Booliska ayaa u isticmaalay suntan indhaha kaga ilmeysiisa si ey u kala eryaan dibad baxaasi rabshadaha watay, iyagoo xiray 20 ka mid ah dibad baxayaasha.
XS
SM
MD
LG