Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano: Inaan Shirno Ayaa na loo Diiday


Koox Xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, ayaa maanta ku cawdey in ciidamada nabadsugiddu ay ka hor istaageen kulan ay doonayeen inay ku qabtaan mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo sheegtey in tiradooda ay ahayd 110, ayaa qaarkood ka mid ahaa xildhibaanno maalmo ka hor baarlamaanka horgeeyey mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra'iisul-wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Abdi Farah Shirdon. Shir jaraa'id ayay markaa kadib qabteen xildhibanaadaasi.

Zahra Abdi Ahmed ayaa arintaasi ka wareysatey weriyaha VOA ee magaalada Muqdisho Xasan-Kaafi Cabdiraxmaan Sh. Isxaaq "Qoyste", wareysiga arrintaasna halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:36 0:00
XS
SM
MD
LG