Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Xiisadda ka Aloosan Kismaayo


Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaan ku eegeynaa marxaladda cusub ee ay gashay xaaladda gobalada Jubbooyinka iyo maamulada kala duwan ee todobaadkan lagaga dhawaaqay Kismaayo.

Barnaamijka waxaa ka qeyb galaya martida kala ah.

Cabdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ah ku-xgeenka maamulka uu Axmed Maxmuud Islaam Axmed Madoobe ka yahay madaxweynaha. Maxamed-Amiin Cabdullaahi Cismaan oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka, labadoodluna waxay ku sugan yihiin magaalda Kismaayo. Gurey Xaaji Faarax oo ka mid ah saraakiisha taabacsan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo jooga magaalada Seattle ee gobalka Washington ee dalkan Mareykanka. Iyo Dabjire Maxamed Cumar Cismaan safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey wadanka India iyo wadamo kale kuna nool magalada London ee dalka Ingriiska.

Barnaamijkan oo isku soo duway, soona jeedinayo Daauud Aweys halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:36:42 0:00
XS
SM
MD
LG