Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS: Ma Aqoonsanin 2 Maamul ee Jubbaland


Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda ka soo korortay magalaada Kismaayo, kadib markii shalay shir magaaldasaasi ka socday lagu doortay Sheikh Axmed Maxamuud Islaan (Axmed Madoobe) inuu yahay madaxwyenaha maamul-goboleedka Jubbaland, halka Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) uu isna sheegtay in loo doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey xaaladda Kismaayo ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowladdu ay si rasmi ah kaga soo horjeedo maamuladii iska soo horjeeda ee shalay lagaga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

Warbixin ku saabsan Jirka jaraa’id ee Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed halkan hoose ka dhageyso.


Dhinaca kale, maamulka Axmed Madoobe ayaa nasiib-darro ku tilmaamay go’aanka ka soo baxay dowladda Somalia ee sheegay inaysan labada maamul midana qoon sanayn.

Afhayeenka maamulkii magaalada gacanta ku hayay, C/naasir Seeraar ayaa sheegay in maamul-goboleedka Jubbaland uu ku dhashay rabitaanka dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay wasiirkii hore ee difaaca Bare Adan Shire (Hiirale) inuu maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe la shaqeeyo.

Wareysiga Cabdinaasir Seeraar halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:01 0:00
XS
SM
MD
LG