Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo si Caro leh uga Hadlay Fadeexadda IRS


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in sii-hayihii xilka isu-duwaha ee Hay’adda Cashuuraha Maryakanka ee IRS laga codsaday inuu xilka ka dego, kadib fadeexado la xiriira in Hay’addu ay bartilmaameedsan jirtay kooxaha muxaafidka ah.

Hadal uu Arbacadii shalay ka jeediyey Aqalka Cad ayaa Mr. Obama sheegay in hab-dhaqankii Hay’adda IRS aan loo dulqaadan karin. Madaxweynaha ayaa sheegay in hab-dhaqanadan oo kale aan la eegan karin, marka la fiiriyo awoodda ay hay’addu leedahay iyo raadka ay nolosheena ku yaallan karto. Mr. Obama ayaa sheegay in Xoghayaha Waaxda Lacagta Jack Lew uu codsaday, isla markaana uu helay shaqo-ka-fariisiga sii-hayaha madaxa Hay’adda IRS-ta Steven Miller. Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta sidaas loo sameynayaa ay tahay in la helo hogaan cusub.

Miller ayaa markaa ka dib fariin u diray shaqaalaha Hay’addaha Cashuuraha, taasoo uu ku sheegay inay xilli adag u ahayd hay’adda IRS. Waxa uu intaas ku daray inay jirto “baani weyn oo degdeg ah”, taasoo lagu soo celinayo kalsoonidii dadku ay ku qabeen hay’adda cashuurta ee Maraykanka. Miller ayaa shaqada hay’adda ka fariinsan doona bisha June.

Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00
XS
SM
MD
LG